KUSODAWOW

6/recent/ticker-posts

Advertisement

QISO CAJIIB AH OO KUDACDHE WILL MUSLIM AH RIYO AYUU ARKE


QISO DIINI AH~

Akhri oo ku cibro qaado walaalkeyga /

walaasheyda muslimka ahow.

Qisadaan waa qiso diini ah oo kudhacday wiil

muslim ah oo kalunsanaa jidka rabigiis kadibna

Alle ( S.W.T ) kusoo hanuuniyey riyo cajiib ah.

Wiilkaan wuxuu lanoolaa qaar kamid ah

qaraabadiisa wuxuu ahaa mid kasii jeeday

waxyaabaha uu Allaah amray. Kuna siijeeday

waxyaabaha uu Allah naga reebay. Habeen

habeenada kamid ah ayaa Allaah S.W.T khayr

ladoonay, waxa uu hurdadiisa ku arkay isagoo

mugdi kudhex sugan, hadana uu usoolaabtay

hanuun. Qisadaan waxaa kasheekeeyay wiilka ay

qabsatay wuxuuna leeyahay sidaan.

Habeen habeenada kamid ah ayaa waxaan tagay

furaashkaya/joodariga sida caadada ii aheyd si

aan useexdo, markii aan tegey meeshii aan

seexan lahaa ayaa waxaan dareemay wax bini

aadam u raad eg oo misna igu soo dhawanaya.

Waxaan Allah kaman galay sheydaan dhagartiisa

waana iska seexday. Waxaan hurdadii ku arkay

shey iidhaw oo hadana aad uyar oo misna

samada kasoodhacaya dhulkana kusoo socdo

waan yaabay... Waxaan cadayn waayay/sifeeyn

kari waayey sheyga waxa uyahay. Waxaan arkay

sheygii yaraa o isku dalay "NAAR WEYN "

subxaanallah. Oo igu sohobanaysa.

Waan fariistay anigoo walbahaarsan misna

raadinaayo shaqsi aan ukaashado masiibadaan.

Meel anan arki karin ayay iiga dhawaaqeen

waxayna igu yiraahdeen. " Tani waa saacadii

qiyaamaha bilaawgeedii. Maalinta qiyaamana

weydhacday. Tana waxay kamid tahay

calaamadihii ugu horeeyay"

Waan argagaxay!!! Waxaan xasuustay wax

walboo acmaal ah ee aan hormarsaday. Haday

wanaagsanaan lehed iyo haday xumaan leheed.

Waxaan bilaabay qoomamayn midii iigu darnayd.

Waxaa isoo fodsaray cabsi iyo walbahaar.

Waxaan isweydiiyay " inteed howsha kabilawda? "

sideen kubadbaadi karaa?" waxaan maqlay mid

dhawaaqaayo oo leh " Maanta ma ahan maalin

ay qomamayn wax tareyso waana lagaa abaal

marin doonaa waxa aad qabatay.. Xagee baad

kusugnaanjirtay xiliyada salaadaha? Maxaad

aheyd mid qabta marka ay kuuyimaadaan

amarada allah? Ma eheyd nin wanaaga qaato

xumaantana isaga taga? Waxaad aheyd mid

hilmamay Rabigiisa waxad wakhtiyadaada

kulumisay CIYAAR & HEESO maantana waxaad

imaan adigoo oo ilmeynaayo kadib markaad

aragtay cadaab kaaga " Waxaa sii siyaaday

shalaygeyga kadib markan maqlay mid iigu

yeeraya cadaabka adag. Waan ilmeeyay illa ay

ilmadu iga idlaatay/dhamaatay. Laakiin waxba

imay tarin isla daqiiqadaa ayaan katoosay

hurdadii waxaan eegay nafsadayda. Way

rumeysan weyday riyadaan. Waxaa iga soboday

neef weyn waxaa iso wajahday cabsi horleh

mana kasuulin in aan baqayo. Nafsadayda ayaa

waxaan ku iri " wallaahi baan kudhaartee kani

waa digitaan kaaga imadaayday dhanka Allah

s.w.t maalinta la isa soo saari doonana waa

lama huraan. Maxaad Allah ucaasin ayaan

isweydiyay. Miyadan aheyn mid dhex dabaasho

wax uu Allaah xarimay? Su,aalo farabadan ayaan

kusoo degdegay maskaxdayda umana helin ilaa

hal jawaab oo qura. Taasoo aheyd Allaah

ulaabasho si maalinka weyn uga badbaado.

Waxaa baryay waagii waxaana lagaaray salaadii

subax waan tukaday nafsadaydana waxay

darentay Raaxo iyo wanaag Subaxdaas. Waan so

baxay waxaan koray gaarigayga waxaan egay

gudihiisa waxaaba kabuuxo canjelado HEESO ah

waan kasaaray dhamaantood waxaana kutuuray

melaha qashinka lagu tuuro. Waxaan raadiyey

canjelado islaami ah oo wax tar iileh. Xaaladaa

ayaan kusugnaa maalin kastana waxan ahaa mid

mid kusiidhawanayo wadada hanuunka.

Badanaa tiro dad ah oo kulunsan dhaldhalaalkan

dunida ee beenta ah. Oo badana inta ay

hilmaamsiisay maalin aan lahilmaami karin

maalinkaa oo uu shaqsigu ka cararayo

Walaalkiis-Hooyadiis iyo aabihiis- xaaskiisa iyo

caruurtiisa, waa maalin maalka iyo caruurtuba

aanay waxba taraynin ilaa ruux Allah ula taga

qalbi wanaagsan iyo camal suuban mooyaanee.

 


Post a Comment

0 Comments