KUSODAWOW

6/recent/ticker-posts

Advertisement

MIYEY GABAR QURUXDEEDA KU KADHISAY


 

Saciid al Caabidi baa waxuu wiilkiisa Axmed ibnu Saciid al Caabid kaga sheekeeyay sheeko asagoo ugu dhigayo dardaaran waxuu ku yiri wiilkeygoow waxaa nala daganaa xaafada (Kuufa) Ciraq wiil Alle caabud ahaa oo masaajidka ku xernaa waxuu ahaa wiil waji qurux badan iyo joog dheer leh aamusnaan badan.

Maalin baa waxa aragtay gabar aad u qurux badan oo soo jiidasho leh, markaas bey wiilkii ka heshay, maalin asagoo masjidka u socdo bey wadadii masjidka u istaagtay, waxey ku tiri:

Wiilyahoow iga dhageyso waxaan doonayaa wax inaan kuu sheego, kadib waxaad doonto samee. Muusan la hadlin wuuna ka tagay waxuu aaday masjidka, markii uu soo laabtay bey hadana waxey u istaagtay wadada intii uu gurigiisa u socda waxey ku tiri:

Wiilyahoow wax baan kuu sheegayaa ee i dhageeso; kadib wiilkii baa ku yiri meeshaan waa wado anna waa dhibsanayaa in dadka xumaan igu tuhmaan, markaas bey tiri wallaah meeshaan kuuma istaajin inaan ogeyn xaalkaaga iyo wanaagaaga ee hadalka aan kugula hadlayo baa ah nafteyda iyo qalbigeyga baa kugu mashquulsan adiga, ee allaah baan kugu dhaariyee arinkeyga wax ka qabo.

Wiilkii baa ka jeestay oo isaga tagay markii uu tagay gurigiisii buu wiilkii salaad u istaagay balse salaadii buu awoodi waayay inuu tukado, waxuu soo qaatay qalin waxuuna gabartii u qoray warqad dabadeed buu banaanka usoo baxay waxuuse arkay gabartii oo wali meesheedii taagan waxuu ku tuuray warqadii wuuna iskaga tagay, gabartii baa fiirisay warqadii waxaaba ku qoran

”Waxaan ku bilaawayaa magaca allaha naxariista qaaska ah iyo mida guud naxariista, ogaaw gabaryahey allaah sarreeyee haduu adoonkiisa muslimka ku caasiyo wuu asturaa, haduu adoonka ku laabto macsida rabbi wuu asturaa, haduu adoonka ku faano oo caadeesto macaasida allaah wuu caroodaa carro aysan u dulqaadan karin samooyinka, dhulka iyo geedahaba, buuraha iyo xawayaankaba ee yaa u dulqaadan karo xanaaqa rabbi?

Waxaan ku xasuusin maalin uu cirku noqon doono sidii bir la dhalaaliyay oo kale, buurahana ay noqon doonaan sidii suuf la tifay oo kale, wallaah waxaan awoodi waayay inaan nafteyda toosiyo sidee baan u toosin karaa naf kale, hadii aad tahay gabar xanuunsan waxaan kuu tilmaamayaa dhaqtar daaweeyo xanuunada oo idil kaasna waa allaah, hadii aan kaaga jawaabo hadalkii aad tiri ee ahaa inaad mashquul igu tahay aniga oo qalbigaaga mashquuliyay anna gabaryahey waxaan wallaahi Mashquul ku ahay Hadalka rabbi (SWT)

وأنذرهم يوم الآزفة إذ القلوب لدى الحناجر كاظمين
ما للظالمين من حميم ولا شفيع يطاع،

”Uga dig dadka maalin dhaw (Qiyaamada) markuu wadnuhu imaan dhuunta (Cabsi darteed) iyagoo naxsan daalimiintana ma lahan sokeeye iyo mid u shafeeca oo la maqlo.”

يعلم خائنة الأعين وما تخفي الصدور

”Allaah waxuu ogyahay khayaanada indhaha iyo waxay qarin laabtu..”

Wallaah waxaan gabaryahey kaaga mashquulsanahay hadalka allaah.

انى اخاف ان عصيت ربى عذاب يوم عظيم

”Waxaan ka cabsanayaa hadii aan caasiyo rabbigey caddaab maalin weyn (qiyaamada).”

Gabartii baa ka tagtay una soo laabatay maalmo kadib waxey u istaagtay wadada, markuu wiilkii arkay gabartii oo wadada u taagan buu wiilkii damcay inuu guriga u laabto si uusan ula kulmin, gabadhii baa ku tiri wiilyahoow ha laaban mar danbe ma kulmi doonno maanta kadib illaa allaah hortiisa ma ahee, kadib gabartii baa ilmeesay waxeyna ku tiri ii dardaaran wiilyahoow, waiilkii baa ku yiri:

”Waxaan kuu dardaarmayaa cabsida allaah markaad kali tahay iyo marka kalaba, dhoor naftaada oo xasuuso hadalka allaah:

وَهُوَ الَّذِي يَتَوَفَّاكُم بِاللَّيْلِ وَيَعْلَمُ مَا جَرَحْتُم بِالنَّهَارِ ثُمَّ يَبْعَثُكُمْ فِيهِ لِيُقْضَىٰ أَجَلٌ مُّسَمًّى
ثُمَّ إِلَيْهِ مَرْجِعُكُمْ ثُمَّ يُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ

”Allaah waa kan idiin oofsada habeenkii ogna waxaad sameysaan maalinkii markaas baa la idin soo bixiya in la xukumo ajal magacaaban, xaggiisaana laydiin celin, markaasuuna idiinka warami waxaad sameneysaan.”

وهو القاهر فوق عباده ويرسل عليكم حفظة
حتى إذا جاء أحدكم الموت توفته رسلنا وهم لا يفرطون

”Allaah waa mid ka sarreeya addoomadiisa, wuxuuna idiin soo diraa ilaaliye (malag) markuu u yimaaddo midkiin mawdku waxaa oofsata (nafta ka qaada ) malaa’igtannada mana gabood falaan.”

ثم ردوا إلى الله مولاهم الحق ألا له الحكم وهو أسرع الحاسبين

”Markaas baaa loo soo celin dadka xagga Allaaha xaqa ah isagaana leh xukunka asagaana dedejiyana xisaabta.”

Markaas bey gabartii oysay ooyin ka daran mideedii hore weyna ka tagtay waxey bilaawday iney toobad keento oo cibaadeesato kama aysan suulin xaal ay cibaadada ku sugan tahay illa ay ka geeriyootay. Waxuuna ahaa wiilka mid markuu soo xasuusto gabarta ilmeeyay naxariis darteed.

Ma aqrisatay walaalkey qisadaan dheer balse macnaha badan leh waxa sidaas sameeyay waa wiil adigoo kale iimaan leh oo rabbigiis ka baqday midkii rabbigiis ka baqaana waxu leeyahay laba janno waa ballan qaad rabbi uu sameeyay waxaana helaa midkii ka dhoorsadaa horistaagta rabbigiis naftana ka reeba xumaanta iyo hawada dhab ahaan midkaas baa ku lahaaday hooy iyo boos jannada.

Yeysan aduun iyo xaas ama dhal dhalaal haweeney laga uumay carra madoow kaa hor istaagin kaana mashquulin quruxda jannada iyo haween laga uumay sacfaraan aanan fiirineyn midaan adiga aheyn hortaana jinn iyo insiba aysan la sheekesan waa gabar kuu carooneyso adigoo aduunka joogo hadii xaaskaaga ku dhibto ama kugu xad gudubto balse waa hadii aad meherkeeda hor marisaa oo cibaadada rabi (SWT) ku dadaashaa naftana ka dhoortaa xumaha ay dooneeso si aad u gaarto janno uu rabbi (SWT) u diyaariyay adoomankiisa berrina ay degi doonaan sidii ayagoo wadfi oo kale ah.

Wa billaahu tawfiiq Wasalaamu caleykum waraxmatullahi wabarakaatuhu.

 

 

Post a Comment

0 Comments