KUSODAWOW

6/recent/ticker-posts

Advertisement

Qisadaan waa mid cajiib ah oo muujineysa mucjisaadka Qur’aanka

 




Qisadaan waa mid cajiib ah oo muujineysa mucjisaadka Qur’aanka kariimka ah ee qoylkii Eebe iyo waliba qudrada Alle Subxaanahu watacaalaa.
Qoysas sabool ah oo ka kooban nin iyo xaaskiisa ayaa ku dhaqnaa deegaan ka mid ah baadiyaha fog ee wadankaay ku noolaayeen.
Qoyskani wax diin ah ma aysan aqoonin laakiin waxa ay ahaayeen muslimiin, walow aysan baranin quraanka kariimka ah iyo qeybaha kale ee cilmigaba.
Waxa ay aruurin jireen lacag ay mudo dheer ku dhurayeen meel xafidan oo gurigooda kamid ah, waxaana ay jeclaayeen in maalin maalmaha ka mid ah ay wax utari doonto lacagtaasi ama ayku intifaaci doonaan.
Markii la gaaray waa dambe oo ay lacagtii yara korortay wx sidaas u sii badana aysan gaarin ayaa lasoo bixiyay bal si loogu adeegto.
Ninkii iyo xaaskiisa, in kastoo aysan quraanka aqoonin, waxcilmi ahna aysan lahayn, hadana aad waxa ay ujeclaayeen islaamnimada iyoin ay Qur’aanka bartaan.
Iyagoo ka munaaqashoonaya lacagta ay mudada aruurinayeen waxa ay ku sameyn lahaayeen ama sheyga ay kusoo gadan lahaayeen ayaa waxaa markii dambe la gaaray go’aan wax ku ool ah.
Haweeneydii ayaa keentay fikrad ahayd in lacagtaan yarta ah ay kusoo xoreystaan kitaabka Quraanka kariimka ah, maadaama aysan waligood gurigooda keenin Kitaabka isla markaana aysan waxba ka aqoonin.Ninkeediina aad ayuu u soo dhaweeyay ra’yigaas wuuna ku raacay, isla maalintiina waxa ay soo xoreysteen Kitaabka Quraanka Kariimka ah.
Markii guriga la keenay Kitaabkii ayaa waxaa soo baxday Caqabad kale oo aad u weyn, waana in labadooduba aysan aqrin karin Kitaabka, waana lasoo gaday.
Isla markiiba xal ayey heleen waxaana ay ku tashadeen in markii maalinta xigta la gaaroay Kitaabka qaadaan oo ayna la tagaan Dugsi uu macalin joogo, si loo baro.
Waxaa kale oo jirtay caqabad kale oo ahayd in gurigooda uusan oolin wax miis ah ama meel kale oo daahir ah oo ay kitaabka dhigaan.
Waa dad Islaam ah oo waxa ay ogaayeen in Kitaabka Quraanka ah ee sharafta Leh uusan u qalmin in dhulka la dhigo, hadii sidaas la sameeyana ay ka dhalan karto ciqaab adag oo xaga Alle uga timaada.
Sidaas datreed wey fakareen hadana, waayo waxaa la gaaray habeenimadii waana xiligii la seexanaayay, kitaabkana meel la dhigo ma laha.
Ninkii ayaa markaan keenay fikrada looga bixi lahaa caqabadaan taagan, wuxuu talo ahaan kusoo jeediyay in habeenka maadaama uu yahay 12 saacadood ay 6-da saac ee hore haweeneyda soo jeedo kitaabkana ay heyso, 6-da saac ee kalena uuninka soo koco Kitaabkana qabto xaaskiisana ay markaasseexato.
Sidii ayaa la sameeyay waxaana baryay waagii, laakiin ma taqaanaa Cajaa’ibta dhacday iyo mucjisada meeshaas kasoo if baxday.
Markii ay subaxdii soo keceenwaxaa dhacday Mucjiso la yaab leh, taasoo ah in Ninkii iyo xaaskiisaba ay soo tooseen iyagoo wada xafidsan dhamaan Kitaabka Qur’aanka kariimka ah iyo tafsiirkiisaba. SUBXAANALLAH. Maxaa ka cajiibsan, yaase ka nasiib badan labadaas Qof.
Darajada intaas la eg dabcan waxa uu Alle jalla wacalaa ugukaraameeyay sida ay u xafideen Kitaabkiisa Quraanka ah, iyo sida ay u sharfeen niyadana uga jeclaadeen.
Hadaba walaalayaal waa in aanu ixtiraam siino Kitaabka Quraanka kariimka ah oo uu ku qoranyahay hadalkii Allah Sareeye.


Post a Comment

0 Comments