KUSODAWOW

6/recent/ticker-posts

Advertisement

Khabib Nurmagomedov: Banaynta aflagaadada Nabiga waxay dhaawacday quluubta 1.5 bilyan oo muslimiin ah

 



Saddex qof ayaa lagu dilay magaalada Nice khamiistii, laba toddobaad uun ka dib markii macallin qoorta looga jaray xaafad ka tirsan magaalada Paris.

Nurmagomedov, oo muslim ah, ayaa baraha bulshada u adeegsaday inuu ku eedeeyo Macron "waxa uu sheegay inuu Macron dhaawacay dareenka in ka badan 1.5 bilyan oo Muslimiin ah."

Eeseynta ka dhanka Macron ee Nurmagomedov soo dhigay baraha bulshada ayaa waxaa ku jiray kaba boot ah oo uu ku sawiran yahay wajiga Macron.

Nurmagomedov wuxuu intaas ku daray: "Waxaan nahay dad Muslimiin ah, waxaan jecel nahay Nabigeena Muxamed NNKH inka badan inta aanu jecelnahay hooyooyinkeena, aabayaasheen, caruurteena, xaasaskeena iyo dhamaan dadka kale ee ku dhow qalbiyadeena."


Madaxweyne Macron ayaa weerarka mindida loo adeegsaday ku tilmaamay weerar Argagixiso ah oo Islaami ah.

Madaxweyneha Faransiiska ayaa mar sii horreeysay sheegay hadal ka careeysiiyay dalalka Muslimiinta ka dib markii la gowracay macallin ardaydiisa tusay sawir ku saabsan Nabi Muxamed NNKH.

Macron ayaa si xooggan u difaacay sawirada uu macalinka ardeydiisa tusay, waxa uuna sheegay iney xorriyatul qowlka ka mid ah.

Sawiradda Nabi Muxamed NNKH waxay muslimiinta u horseedi kartaa ciqaab culus sababtoo ah dhaqanka Islaamka wuxuu si cad u mamnuucayaa sawirrada Nabiga iyo Allaah SW.

Khabib Nurmagomedov oo u dhashay dalka Ruushka ayaa Toddobaadkii hore garaacay ustin Gaethje intii lagu guda jiray wareegga labaad ee cayaarta. Labada lugood ayuu luqunta uga qabtay taasi oo horseedday inuu Justin Gaethje gacanta taago oo uu is dhiibo.

Guushaan ayaa waxay u ahayd mid muhiim ah, oo 29 kulan ayaanan laga badin, wuxuu sidoo kale ku guuleystay 155 koob oo ah feerka fudud.

Post a Comment

0 Comments