KUSODAWOW

6/recent/ticker-posts

Advertisement

Cabdi Fataax El-Sisi: Haddii Nabiga la aflagaaddeeyo xurriyad hadal ma jirto

 





Madaxweynaha dalka Masar Cabdi Fataax El-Sisi ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan mowduucaas, isagoo sheegay in hadal lagu weerarayo Nabiga uusan wax qiil ah lahayn.

"Xurriyadda hadalka way ka baxeysaa meesha markii markii Nabi Muxammad la caayo", ayuu yidhi madaxweyne El-Sisi.

Isagoo ka jawaabaya sawirrada kartoonka ah ee uu wargeyska Charlie Hebdo ku aflagaaddeeyay nabiga NNKH ayuu El-Sisi sheegay in aan loo dul qaadan karin wax dhibaato u geysanaya dareenka dad tiradoodu gaareyso hal bilyan iyo badh.

Madaxweynaha Masaarida ayaa hoosta ka xariiqay inuu gabi ahaanba kasoo hor jeedo "qalalaase kasta oo loo sameeyo iyadoo lagu difaacayo arrimo diimeed ama astaamo muujinaya caqiido gaar ah."

Dr Zakir Naik, oo ka mid ah shaksiyaadka ugu caansan bulshada muslimiinta dhexdeeda ayaa talooyin u jeediyay dadka sawirrada ku qeexaya Nabiga NNKH iyo waliba kuwa muslimiinta ah ee ka fal-celinaya labadaba.

"Waxaan leeyahay dadka kartoonka ka sameynaya Nabiga NNKH, maxaad taas baddalkeeda si daacadnimo ku jirto dood ula gali la'dihiin Islaamka?"

"Muslimiinta qalalaasaha ku fal-celinayana waxaan leeyahay, maxaad canbaareynta loo jeedinayo Islaamka uga jawaabi la'dihiin sababo iyo xikmad?"

Post a Comment

0 Comments