Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo wareysi gaar ah siiyay Al Jazeera, wuxuu sheegay inuu fahamsan yahay ‘dareenka’ ay dunida Muslimka ka muujinayaan kartoonadii Nebi Muxamed
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay inuu fahamsan yahay dareenka dadka muslimiinta ah ee ka naxay bandhiga kartoonada nabi Muxamed laakiin wuxuu intaa ku daray in "xagjirnimada Islaamka" ee uu isku dayayo inuu la dagaallamo ay khatar ku tahay dadka oo dhan, gaar ahaan Muslimiinta.
Faallooyinka Macron ee Al Jazeera, wareysi gaar ah oo si buuxda loo sii deyn doono Sabtida, waxay ku soo beegantay iyadoo xiisad kacsan oo u dhexeysa dowladda Faransiiska iyo dunida Muslimka ay ka taagan tahay kartoonnada, oo ay muslimiintu u haystaan inay cay yihiin.
Waan fahamsanahay dareenka la muujinayo waana ixtiraamayaa. Laakiin waa inaad fahamtaa kaalinteyda hada, waa inaan sameeyo labo arimood: si kor loogu qaado deganaanshaha iyo sidoo kale in la ilaaliyo xuquuqdan, ”ayuu yiri Macron.
"Waxaan marwalba dalkayga ka difaaci doonaa xorriyadda hadalka, wax qorista, ka fikirka, iyo sawir-qaadista," ayuu raaciyay.
Macron waxa kale oo uu weeraray waxa uu ku tilmaamay "dhalanrog" ka imanaya hoggaamiyeyaasha siyaasadda, isaga oo sheegay in dadka inta badan loo horseedo in ay rumaystaan in caricatures-ka ay yihiin abuuritaanka dawladda Faransiiska.
"Waxaan u maleynayaa in falcelinta ay ku timid beenta iyo qalloocinta ereyadeyda maxaa yeelay dadku waxay fahmeen inaan taageersanahay kartoonadan," ayuu madaxweynaha ku yiri wareysiga
0 Comments